Wararka inaga soo gaaraya deegaanada uu ka taliyo maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta tuulada Kubba-kibir oo 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen ururka Al-shabaab.
Saraakiisha hogaamineysa maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay halkaasi ku dileen 3 ka mida Al-shabaab, wuxuuna intaa raaciyay in ay wali wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab wali kama aysan hadlin hadalkan ka soo baxay saraakiisha maamulka Jubbaland eek u aadan in ay la wareegeen tuulada Kuba-kibir.
Ciidamada maamulka Jubba-land iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa maalmahan waxa ay wadeen weeraro qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab.


