Howlgalkan ayaa si wadajir ah waxaa u sameeyay ciidanka dowladda iyo waliba kuwa AMISOM, waxaana howlgalkan laga sameeyay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Afhayeenka wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in wali ay wadaan baaritaano dadka qaarna ay ku cadahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Waxaana dhanka kale uu sheegay in wixii dheeraad ah oo howlgalkan la xiriira ay dib warbaahinta ugu soo gudbin doonaan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalada nuucaan oo kale ah waxa ay ka sameeyaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo kaga gol leh in ay ku adkeeyaan amniga magaalada Muqdisho.


