La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Sharciga oo xil loo Magacaabay

Guddiga doorashada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay doortay guddoomiye.

Xubnaha gudigaan ayaa isku raacay in Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle “ Cumar Dhageey” uu noqdo guddoomiyaha guddiga taaba gelinta Doorashooyinka dadban ee heer Qaran.

Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 22 xubnood oo xalay kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay dood dheer ka dib in Abuukaate Cumar Maxamuud  Cabdulle “ Cumar Dhageey” uu noqdo guddoomiyaha guddiga taaba gelinta Doorashooyinka dadban ee heer Qaran.

Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle “ Cumar Dhageey” ayaa ah La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga.

Warbaahinta qaar ee Soomaalida ayaa mudooyinkii dambe hadal haayay in Cumar dhageey uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabayo guddoomiyaha guddiga doorashada.

Guddigan ayaa howshiisu tahay hirgelinta doorashada, waxaana howshooda ay ku eg tahay marka la soo xulo baarlamaanka cusub.

Jadwalka doorashada ee lagu ansixiyay shirkii magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka muuqda dib u dhac badan, iyo sidoo kale in aan loo fulin sidii loogu tala galay.

Xigasho:- Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya Prof Yaxye Cali