Waxaa galabta lagu wadaa in Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir ay ku wada Cayaaraan Kooxaha ka socdo Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo isku dhinac ah iyo Koox ka socota Maamulka Jubbaland.
Labadaan Koox ayaa ku wada jira Group-ka B, waxaana Seddex ku ah Koox ka socota maamulka galmudug.
Tartanka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galaya 4 Koox oo matalaya Afarta maamul goboleed ee dalka ka jirta, hal Koox oo ka socota maamulka dhismihiisa uu socdo ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyo Koox ka socota gobolka Banaadir.
6 Koox ayaa waxa ay kala yihiin Koox ka socoto maamulka Puntlan, Koox ka socota maamulka Jubbaland, Koox ka socota Maamulka Galmudug, Koox ka socota Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya, Koox ka socota gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo Koox ka socota gobolka Banaadir.
Isku aadka Tartankan ayaa waxaa loo qeybiyay ilaa 2 group oo kala ah Group A oo ay ku jiraan 3 Koox iyo Group B oo ay ku jiraan 3 Koox.
Group-ka A, ayaa waxaa ku wada jira Puntland, Gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed. Halka Group-ka B ay ku wada jiraan Jubbaland, Galmudug iyo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hal dhinac ah.
Tartanka ayaa waxaa shalay si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowlada Federaalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu daah furay Maamulka Koofur galbeed iyo Gobolka Banaadir.
Gobolka Banaadir ayaa 5 gool iyo Eber kaga badisay Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.
Tartankaan ayaa waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo sida uu qorshuhu yahay 25 bishaan Julaayo.


