Mesut Ozil oo ku biiraya Kooxda Fenerbahce

Mesut Ozil ayaa telefishanka Turkiga ku xaqiijiyay inuu ka soo dhaqaaqay Arsenal kuna biiray Fenerbahce.

Tani waxay imaaneysaa ka dib markii 32 jirkaan uu macsalaameeyay saaxiibadiisa Gunners oo uu ku booqday garoonka tababarka kooxda ee London Colney sabtidii.

Ozil ayaa u safray Turkiga ka hor tijaabada caafimaadka, iyadoo la filayo in saacadaha soosocda lagu dhaqaaqo saxiixiisa.

Ozil oo la hadlaya NTV, ayaa yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan ahay taageere Fenerbahce, ilaahay wuxuu ii rumeeyay riyada ah inaan kubad ku ciyaaro Fenerbahce, waan ku faraxsanahay.

Wuxuu dhimi doonaa mushaarkiisa, waxayna u badan tahay inuu saxiixo heshiis seddex sano ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 65,000.