Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Cusman Abuukar Dubbe ayaa Maanta Booqasho ku tegay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda Meel Gaba-Gaba ah Marayo.
Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad G/le Dhexe Farxaan Maxamuud Aadan ayaa Wasiirka Warbixin kasiiyey Xaaladda Amni iyo mida Dhismo ee Wadada.
Wasiirka Warfaaginta oo hadlay ayaa Ciidanka Haramcad uga mahad celiyey sida ay ugu guuleysteen sugidda Amniga wadadaans, sidoo kale Wasiirka ayaa Mahad celin Ballaaran u Jeediyey Dowladaha Turki iyo Qatar oo Go’aansaday in la dhiso wadadaas oo aanan loo Joojin Weerarada Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay nasiib darro tahay in Maalin waliba Ciidamada Haramcad ee naftooda u huray dhismaha wadadaan in lagu dacaayadeeyo in doorasho.
Dhowr jeer ayaa wadada xiriirisa Muqdisho Afgooye waxaa qarax lagula eegtay Injineerada Turkiga ee dhisaya, iyada oo qaar kamid ah Injineerada ay ku dhinteen.