Mesut Ozil oo ka tagaya Arsenal.

Arsenal ayaa la sheegay inay laashey heshiiskii uu Ozil kula joogay, taas oo ka dhigan in uu soo afjarmay toddobo sano iyo bar 32 jirka Jarmalka u dhashay uu xirnaa maaliyada gudduudka iyo caddaanka ka kooban.

Heshiiska Ozil ayaa ku ekaa bisha June ee sanadkan waxayse u muuqataa in isaga iyo Arsenal arrintan isku raaceen taas oo ka dhigan in Ozil uu ka tago 12 milyan oo doolar oo uu qaadan lahaa ama Arsenal in ay duudduub u siiso lacagtiisa isna dhaafiso, waana midda ay u badan tahay maaddaamma Ozil uu sheegay in aanu meel u socon illaa heshiiskiisa uu dhammaado.

Ozil ayaa Arsenal u saftay 254 kulan waxaana uu dhaliyey 44 gool

Kooxda Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga ee uu asal ahaan ka soo jeedo ayaa lagu wadaa in Ozil si bilaash ah ula wareegto.