Guddiga doorashada Uganda ayaa ku dhawaaqay madaxweynaha hadda xilka haya Yoweri Museveni in uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha, taasi oo ka dhigeysa in majaraha 35 sano jirsaday halkiisa kasiii hayo, ninka sida weyn ula tartamayay ayaa ku eedeeyay wax isdabamarin.
Museveni wuxuu ku guuleystay 5.85 milyan oo cod oo dhiganta 58.64% wadarta guud, halka musharraxa ugu weyn mucaaradka Bobi Wine uu ku guuleystay 3.48 milyan oo cod oo u dhiganta 34.83%, sidaa uu sheegay guddiga doorashada oo shir jaraa’id telefishanka kasii daayay.
Wine oo 38-jir ah, ayaa ku booriyay dhalinyarada reer Ugandha baaqyadiisa ku aadan isbadalka siyaasadeed wuxuuna balan qaaday in uu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray kalitalisnimada iyo musuqmaasuqa baahsan, wuxuuna ku booriyay shacabka in ay diidaan natiijad.
Dowlada ayaa lagu eedeeyay in hawada ka saartay internetkii, iyada oo faraha iskula tageen goobaha cod bixinta qaar shacabka iyo ciidanka Booliska.
Wine, oo ah fannaaniin isu beddelay siyaasi magiciisa saxda ahna uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa sheegay jimcihii inuu hayo caddeyn fiidiyoow ah oo ku saabsan musuqmaasuq codbixinta, isla markaana uu la wadaagi doono shacabka dalkiisa.
Ciidamada amaanka ayaa isku weer ballaaran ki sameeyay agagaarka xarunta Wine, waxayna u sheegeen saxafiyiinta caalamiga ah in aan loo ogoleyn inay galaan.



