Shacabka reer Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay xirnaanshaha wadooyinka qaar ee magaalada, maadaama maanta la qorsheynayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wufuud Caalami ah.
Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho sida wadada Maka Al-mukarama, Wadnaha iyo wadooyin kale ayaa xiran saakay, kuwaasi oo la dhigay Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale ay yimaadaan Muqdisho Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana Maanta la joojiyay duulimaadyadii rayidka ee ka duuli jiray iyo kuwii kasoo degi jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho.



