Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe & Wakiilo ka socday Beesha Caalamka?

Wakiilka Qaramada Soomaaliya  James Swan, ayaa kala hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed sidii loo fulin lahaa heahiiskii 17 September.

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubad Hoose waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ay qeyb  ka ahaayeen Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez,  Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander ayaa la kulmay  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Labada dhinac ayaa waxaa ay si weyn uga hadleen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa muranka weli ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in Wafdiga ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay isu yimaadaan si loo dhammeystiro hirgelinta hehsiiskii  17 Sebtembar, iyadoo lagu dhisayo shaqada wanaagsan ee Guddiga Farsamada ee ku kulmay Magaalada Baydhabo.

Xubnaha wafdiga marka lag reebo Wakiilka Qaramada Soomaaliya  James Swan ayaa si lamid ah shalay waxaa ay gaareen magaalada Garoowe, iyaga oo khilaafka doorashada kala hadlay MadaxwyenahaPuntland Saciid Cabdullaahi Deni.