Maxaad ka garaneysaa kooxaha rikoorka ugu wanaagsan ka heysta ciyaaraha maalinta furitaanka EPL?

Chelsea ayaa kalsooni badan ku qabta inay maalinta furitaanka horyaalka England Premier League ee xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018 guul ku bilaaban karto difaacashadeeda koobka.

Sababtuna waxay tahay kooxda difaacaneysa koobka EPL ee Chelsea ayaa heysata rikoorka ugu wanaagsan ee maalinta furitaanka dhammaan kooxaha ka ciyaaraya horyaalka iyadoo badisay 16 ka mid ah 25 kulan oo furitaan ah oo ay hore usoo ciyaartay, celcelis ahaan rikoorkeedu wuxuu ka dhigan yahay inay 2.16 dhibcood ka shaqeysatay kulan kasta oo furitaan ah.

Xisaabta ku darso kooxda Chelsea ayaa laga adkaaday seddax ka mid ah 25kaas kulan ee furitaanka xilli ciyaareedkahoryaalka England Premier League tan iyo markii magacaan loo bixiyey, halka lix jeer ay barbardhac gashay.

Blues ayaana hal jeer looga adkaaday garoonkeeda Stamford Bridge maalinta furitaanka tan iyo markii la galay samanka Premier League, guuldarradaasna waxay xilli ciyaareedkii 1993 illaa 1994 kala kulantay Blackburn Rovers oo 2-1 uga adkaatay.

Manchester United ayaa sidaas oo kale 16 jeer adkaatay 25 kulan oo furitaanka EPL ah, laakiin waxaa laga adkaaday shan jeer maalinta furitaanka marka loo barbardhigo Chelsea oo seddax jeer laga adkaaday. Celcelis ahaan Man Utd ayaa keensatay dhibco 2.08 kulamada furitaanka. Liverpool ayaana seddaxaad taagan oo la timid 1.96 dhibcood.

Arsenal ayaa kaalinta afaraad taagan iyadoo badisay 13 ka mid ah 25keedii kulan ee furitaanka. Ogoowna maalintii furitaanka ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 2016 illaa 2017 guuldarro 4-3 ah ayey kala kulantay Liverpool oo garoonkeeda FLY Emirates Stadium ku cajiintay.

Tottenham ayaa badisay sideed ka mid ah 24 kulan oo furitaanka Premier League ah, halka West Ham United oo ka rikoor wanaagsan ay adkaatay 10 ka mid ah 21 kulan oo furitaanka EPL ah, Crystal Palace ayaana ugu dambeysa kooxaha London iyadoo badisay laba ka mid ah sideedeedii kulan ee ugu horreeyey xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska.

How London teams fare on the opening day?

TeamPWDLPoints per match
Chelsea2516632.16
Arsenal2513661.8
West Ham21101101.48
Tottenham248791.29
Crystal Palace82241