Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Tayo iyo Al-safa ayaa galabta lagu bilaabay wareega labaad ee Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, waxaana dhexmaray Tartan aad u adag.
Labada iskuul ayaa waxa ay xarunta dhexe ee Risaala kula soo shirtageen min Shan Arday oo ay kala hoggaaminayeen macalimiintooda.
Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaaacadaha ugu caansan dalka ayaa taabagelineysa Tartankan, taasi oo abaalmarino qaali ah siineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartanka, Ciida ka hor.
Tayo iyo Al-safa ayaa la weydiiyay min lix su’aal, kuwaasi oo ah kuwa Guddiga Tartanka Iskuulada Risaala ay u qorsheeyeen in la weydiiyo iskuulada.
Iskuulka Tayo oo keensaday 9 dhibcood ayaa galabta guul ka gaaray iskuulka Al-safa oo la yimid 6 dhibcood, sida uu ku dhawaaqayo Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala.
Berri oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka June ayaa waxaa wada bartami doona iskuulada Abii-xaniifa iyo Al-muzamil, waxaan ay ku jiraan diyaar garowgoodii ugu dambeeyay.







