Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ayaa lagu wadaa in Maalintii labaad oo xiriir ah ay Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan mid kamid ah kulmada xasaasiga ah ee Golaha Shacabka.

Agendaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay hadal jeedinta murashaxiinta u tartamaya Xafiiska Guddoomiye xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada xalay loo diray farriimo lagu ogeeysiinayay in Maanta kulanka uu jiro.

Shalay Kulankii Golaha Shacabka waxaa khudbadahooda musharraxnimo jeediyay musharrixiinta  Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ilaa todobo gaaraya, kuwaas oo mid kasta uu soo bandhigay waxa uu qaban doono hadii uu guuleysto.

27 Bishaan oo ku beegan Arbacada todobaadkaan ayaa la filayaa in la qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana kasii horeeya oo 26 Bishaan la qabanayaa doorashada Guddoomiyaha Aqaka Sare iyo labadiisa kuxigeen.