Maxaa ka soo baxay Wadahadallo dhexmaray Shiinaha iyo Iran?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in wada-hadalladii uu Shiinaha kula yeeshay mas’uuliyiinta iyo dhinacyada kale ay si wanaagsan ku soo dhammaadeen.

Caraqji ayaa sheegay in go’aannada hadda la gaaro ay saameyn weyn ku yeelan doonaan isu-dheellitirka istiraatiijiyadeed ee gobolka mustaqbalka.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in Iran ay si weyn u qiimeyso iskaashiga istiraatiijiyadeed ee muddada dheer kala dhexeeya Shiinaha.

Wuxuu sheegay in afar mabda’ oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ay muhiim u yihiin nabadda gobolka, ayna lagama maarmaan tahay in si dhab ah loo dhaqan-geliyo.