Maxaa ka soo baxay kulankii ay maanta yeesheen xildhibaanada Soomaaliya ?

Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay akhrinta koowaad mariyeen Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda dalka.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ku war geliyey in Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu hor keeni doono Golaha Shacabka maalinta sabtida ah ee soo socota barnaamijka Xukuumadda la xiriira ee doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Waxaana uu dhinaca kale shaaciyey in gebi ahaanba la joojiyey safarradii dibadda ay Xildhibaanada u aadi jireen ka qeybgalka shirarka Baarlamaanada caalamka.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa akhrinta koobaad mariyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maalliyadda dalka.

Waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka hor yimid oo sharcigaas u keenay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Maxamuud Xayir Ibraahin oo isagu Xildhibaanada u sheegay in sharcigan muhiimad weyn uu ka geysanayo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.