Bayern Munich oo doon dooneysa ciyaaryahan Alexis Sanchez

Arsenal ayaa wajihi doonta xagaagan dagaal adag iyadoo isku dayi doonta in ay xiddigigooda muhiimka ah ee Alexis Sanchez sii heystaan,  xilli Bayern Munich isku diyaarineyso in ay soo xero geliso.

geesiga Chile ee ayaa saaxiibkiisa ay isku wadanka yihiin ee kubad sameeyaha Bayern Arturo Vidal waxa uu ku qalqaalinayaa inuu usoo dhaqaajiyo Horyaalka Germany.

Haddaba, sida laga soo xigtay Daily Mirror, kooxda ka dhisan Bundesliga ayaa 27-sano jirkaan damac ka leh in ay soo xero geliso dhamaadka xili ciyaaredkaan.

Arsene Wenger ayaa isku dayaya in uu xakameeyo Sanchez Mesut Ozil kuwasoo wadahadal heshiis kordhin ah uu kula jiray maalmihii lasoo dhaafay.

Sanchez ayaa laba sano ka hartay qandaraaskiisa haatan ee uu ku qaato £ 130,000-isbuucii, halka Gunners ay u qorsheysay £ 160,000