Arsenal oo daafac 30 jir ah dhaafsaneysa Hector Bellerin

Arsenal ayaa u soo bandhigtay daafaca Bayern Munich Rafinha heshiis seddex sanno ah, sida laga soo xigtay Sport Bild.

daafacaan 30-sano jirka ah ayaa qandaraaskiisa haatan Allianz Arena dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2016-17, laakiin Gunners ayaa rajo ka leh in ay soo gabagabeyaan heshiiskaasi.

kooxda Bundesliga ayaa laga yaabaa in ay diyaar u yihiin in ay fasaxaan daafaca Brazil sida ay u helaan bedelkiisa adaafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin iyo Dani Carvajal midkood,