Masuul ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya oo lagu weeraray Muqdisho

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday masuul ka tirsan Wasaarada Aminaga Gudaha Soomaaliya. Weerarka ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday Masuul magaciisa lagu sheegay Khaalid Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Hay’adda Maaraynta Miinooyinka iyo Walxa Qarxa ee Soomaaliya. Weerarka ayaa dhacay xilli Masuulkani uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Buulo Xuubey iyadoo wararku ay intaas ku darayaan in uu ka badbaaday weerarkaasi iyadoo kooxdii weerarka soo qaaday ay goobta ka baxsatay. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah u bartilmaameedsata masuuliyiinta iyo saraakiisha Dowladda Soomaaliya.