Masar oo lagu xiray 20 Soomaali ah

Qaahira-RisaalaFM- Soomaalida xabsiga la dhigay oo tiradooda ay gaareyso 20 Qof ayaa waxaa laga qab qabtay xaafad ku taalla degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.

Sida ay xaqiijiyeen jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Qaahira Ciidamada amniga oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay Maqaaxida Soomaalida iyaga oo dadka weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalkaasi.

Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar.

Dhinaca kale Ciidamada amniga ayaa sii daayay 14 ka mid ah dadka la qab qabtay, kadib markii Eheladooda ay u keeneen Baasabooradooda iyo Kaararka Qaxootiga oo ay ku joogaan dalkaasi.

“Walaal Soomaalida la qab qabtay tiradooda waa 20 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, Ciidamada geesaha ayay ka soo galeen, kadib waxay wateen dadkii, balse markii dambe waxay soo daayeen 14 ka mid ah oo sharciyadooda wata.” Ayuu yiri Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi.

Bilihii ugu dambeeyay Dowladda Masar ayaa bilowday in ay xabsiyada dhigto ajaanibta dalkeeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha dalkaasi.