Muqdisho-RisaalaFM- Dhammaan shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dhageystayaasha ku xiran Radio Risaala FM 102.2-Mhz iyo bogga Internetka Risaala.net waxaa la ogeysiinayaa in Idaacadda Risaala maanta ay bilaabeyso Barnaamij loogu magac daray Gurmad, kaasi oo gargaar loogu fidinayo dadkii ku waxyeelobay Qaraxii Zoobe, 14-kii bishan.
Barnaamijkan oo si toos ah looga baahinayo qeybaha kala duwan ee Idaacadda ayaa wuxuu soo galayaa galab kasta 04:00-PM galabnimo, wuxuuna soconayaa mudo saacad ah.
Dhammaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka qeyb qaataan in walaalahooda ay caawiyaan waxay wixii tabarucaad ah ku soo diri karaan telefoonka 252618003111
Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu ay soo gaartay waxaan u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah.


