Mareykanka oo sheegay inuu Duqeyn ku dilay Shabaab

United States Marine Corps personnel from the 2nd Platoon, 1st Battalion, 1st Marine Regiment, who are in Australia as part of Marine Rotational Force - Darwin, press forward on a patrol during Exercise Hamel in Cultana training area, South Australia, on 1 July 2016. (Australian Defence Force photo by Cpl. Dan Pinhorn)

Muqdisho-RisaalaFM- War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa faah faahin looga bixiyay Duqeyn Talaadadii ina dhaaftay 2-dii January 2018 ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn ay ka fuliyeen Diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn meel 50-kM ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho in ay ku dileen laba Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Sidoo kale Mareykanka wuxuu sheegay Shabaabka la dilay in ay saarnaayeen Gaari walxaha Qarxa ay saaran yihiin oo ku soo jeeday Muqdisho, kaasi oo isaguna la burburiyay.

War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka waxaa kaloo lagu sheegay in ay ka hortageen khatar ku soo wajahneyd shacabka Muqdisho, isaga oo sidoo kale tilmaamay inuu burburiyay qalabka (VBIED) oo loo adeegsado Qaraxyada.

“Waxaan dilnay laba Argagixiso, waxaan kaloo burburinay Gaari ay wateen iyo qalab loo adeegsado Qaraxyada, waxaan kaloo qireynaa in qof shacab ah aysan waxba ku noqon Duqeyntan.” Ayaa lagu yiri warka (AFRICOM).

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay diyaaradaha aan la wadin ay ka geystaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2018, taasi oo uu fuliyo Mareykanka.

Dowladda Mareykanka oo kordhisay weerarada dhanka cirka ah ee ay ka gaysanaysatay Soomaaliya, ayaa sanadkii 2017 waxa ay fulisay weeraradii ugu badnaa ee dhanka cirka ah oo ay la beegsato degaanada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya.

Diyaaradaha Drones-ka Mareykanka ayaa la sheegay inay fuliyeen illaa 34 weerar oo ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad rayid ah iyo xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.