Mareykanka oo soo saaray digniin ku wajahan Ammaanka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Muwaadiniinteeda in ay u safraan degaano ka mid ah Soomaaliya, sababo la xariira dhanka Ammaanka iyo weeraro laga cabsi qabo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya Ammaankeed aan la isku haleyn karin, ayna suurtagal ah in Muwaadiniinteeda ay la kulmaan weeraro kadis ah.

War kasoo baxay  Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in wargalintaan ay timid ka dib qiimeyn lagu sameeyay Ammaanka Soomaaliya.

Warbixinta digniinta ah waxaa lagu sheeay in Soomaaliya ay wali tahay meel halis ah,qatar dhinac kasta ahna ka jirto sidoo kalena ku badanyihiin dambiyada. ‘Dilka, Afduubka iyo dambiyada kale.

Degaanada  Puntland iyo Somaliland, waxaana ku badan jidgooyada sharci darrada ah’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Warbixinta Digniinta ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarrada Dekadaha,Garoomada Diyaaradaha, Dhismayaasha Dowladda,Hoteellada iyo Suuqyada.