FT: Hazard oo guul dirqi ah gaarsiiyay Chelsea kullankii Watford.

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa dhegta dhiigga u dartay dhiggeeda Watford kullan aad u xiiso badnaa oo goor dhow soo idlaaday.

Blues ayaa si dirqi ah kaga fakatay kooxda Watford, waxaana ay gaareen guul muhiim ah oo ay ugu soo laabteen booska afraad ee kala sarraynta Premier League-ga.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa Chelsea ay goolka koowaad ka heshay Eden Hazard daqiiqaddii 46-aad.

Balse laba daqiiqo ka dib, Pereyra ayaa dhaliyay goolka bareejada ee kooxda Watford daqiiqaddii 48-aad ee ciyaarta.

Daqiiqaddii 58-aad ee ciyaarta, Blues ayaa gool kale ka heshay Hazard oo rigoore dhaliyay.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 2-1 oo ay Chelsea ku garaacday Watford.