Mareykanka oo diiday kasoo qeyb galka bandhig ganacsiyadeed caalami ah

Kumanaan shirkado caalami ah iyo kuwo Chinese ah ayaa la filaayaa in ay soo xaadiraan bandhiga wax dhoofinta iyo soo degsahada ee dalkaasi China  oo loo madalsanyahay in shanta ilaa tobanka bisha inasoo aadan  lagu qaban doono Magaalada Shangahai.

Bandhigaan ayaa loola gol-leeyahay in la kordhiyo wax soo degsahada iyo dhoofinta dalkaasi china iyadoo lagu casuumaday shirkadaha caalamiga ah ee dalalka China ay kala dhaxeyso agab is weydaarsiga dhanka ganacsiga.

Waxaase dhabar jab ku noqotay in Mareykanku uusan wax shirkado ama saraakiil dowladeed usoo diri doonin bandhigaan caalamiga ah sidaasi waxaa sheegey afayeen u hadlay safaarada Mareykanku ku leeyihiin Dalkaasi.

Afayeenka oo ku sugan safaarada Mareykanka ku leeyihiin china ayaa sheegay in ugu horeyn china ay iska deyso dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee halista ah ay iska deyso deetana markaasi ka dib ay mareykanku ka fikiri doonaan in ay bandhigyo midlkaan lamid ah ay kasoo qeyb geli doonaan iyo in kale.

“China waa dal dhanka dhaqaalaha xifaaltan nagala dhaxeeyo balse waxa aan u sheegayaa in diidmada aan diiidnay kasoo qeyb galka bandhigaani aysan wax saameyn ah isku laheyn oo ay kala yihiiin labbo  arrimo oo anaan sina isku queyn, china hadii ay ka fiirsato dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee cadaalad darada ah oo ay ku waxyeeleeneyso dhaqaalaha caalamka weligeyn sidaan ayaan kaga fogaan doonaa bandhigyada ganacsiga ku saabsan” ayuu sheegay afayeenka u Hadley Safaarada Mareykanka ee dalkaasi.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuuxsaday in uu rajeynaayo in China ay  casharo badan ka faa’iidi doonaan ka maqnaashaha  Mareykanka uu ka maqnaan doono bandhiga Caalamiga ah ee shangahai loogu madalsanyahay in uu ka qabsoomo.

Arrintaani ayaa imaaneyso iyadoo Maamulka Mareykanka ee uu hor kacaayo Donald Trump uu canshuuro gaaraya  $200 billion kusoo rogay alaabaha laga dhoofiyo dalka china ee loo dhoofiyo  Mareykanka.

Dalka ay xulufada dhaw yihiin mareykanka ee Britain ayaa shaacisay in ay bandhigaasi usoo diri doonaan wasiirkooda Ganacsiga  Liam Fox iyo shirkado kale oo caalami ah oo laga leeyahay dalkaasi.