Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Deegaanka Dhumay

Golaha shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka dhiiga badan uu ku daatay ee Deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool dhawaanahaan ku dhex maraayey beello halkaasi wada daga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan  oo maanta shir  gudoominayey kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa dhalinyarada,isimada, iyo waxgaradka kasoo jeedo beelaha dirirtu ku dhexmarayso ugu baaqay in ay kaalin mug leh ka qaataan joojinta dagaalkaasi.

Waxa kale oo uu sheegey in loo baahanyahay in ay ka wada-shaqeeyaan nabad ku dabaalida deegaanka dhumay oo dagaalada dhawaanahaan ka socday awgeed qoysas badan ay kaga barakaceyn, waxa uu sidoo  kale usoo jeediyey in ay garbaha is qabsadaan oo danaha guud ee deegaankaasi ay ka taliyaan.

Dagaalkaani beelaha walaalaha ah ku dhexmaraayey maalmahaan deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool ayaa sababay dhimasho fara badan iyo dhaawac iyadoo dhaawacyada ku waxyeeloobay dagaal beleedkaani loola cararay Magaalada Laas-caanood.