Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay in uu ahaa Maxamed Maxamuud Bishraat ayaa saraakisha caafimaadka Magaalada Tubas waxa ay shaaciyeen in uu marxuumka u geeriyooday dhaawac shalay gelinkii dambe ay u geysteen Ciidamada Isreal uu u geeriyooday.
Waxa ay sheegeen in xabad lagaga dhuftay marxuumka xabadka taasina ay sababtaay in ay wax sidaas usii weyn aynan u qaban karin maadama sida ay sheegeen isbitaalada magaaladaasi aynan heysan agab caafimaad oo casri ah.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada toogtay Bishiraat ay sidoo kale dhaawaceen labbo kale oo falastiiniyiin ah xili ay banaanbax ka dhigaayeen xaafada Tumaan ee Magaalada Tubas oo ay hesteen qeyb ahaan Isrealiyiinta .
Waxaa baraha bulshada lagu shaaciyey askar Isrealiyiin ah oo si kas ah u tooganaya Falastiiniyiin mudaharaadyo ay kaga cabanayaan dhul balaarsiga Isreal ay ka wado Marinka Qasa iyo duqeymo , xariga iyo toogashada ay u geestaan Falastiiniyiinta.



