Maraykanka oo sheegatay inay 150 Alshabaab ku dileen Duqaymo

Maraykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerar cirka ah oo ay loo adeegsaday diyaaradaha meelaha fog laga hago ee drones-ka.

Duqeynta ayaa habeenkii Axada waxaa laga fuliyay magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Jeff Davis af-hayeneka Pentagon ayaa sheegay in goobta la bartilmaameedsaday ay 150 kilo meter dhinaca waqooyi ka xigto Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maleeshiyada la bartilmaameedsaday ay isku diyaarinayeen inay halis geliyaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga AFrika ee Soomaaliya jooga.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dishay ilaa 150 Ururka Al-Shabaab ah.