Inta la xaqiijiyay Saddex qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacmeen dagaal goor dhawayd istaagay oo maanta ka bilowday deegaanka Qorilugud ee hoostaga deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug, iyadoo dagaalkaan uu u dhexeeyay labo maleeshiyado.
Ma cadda sida dagaalku ku bilowday iyo khasaaruhu inuu labada dhinac yahay ama inuu hal dhinac ku kooban yahay.
Guddoomiye ku xigeenka deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug ayaa warbaahinta gudaha wareysi uu siiyey uga hadlay dagaalka.


