Magacyada Musharaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin:-

  1. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
  2. C/fitaax Ibraahim Geeseey.
  3. Idiris Cabdi Dhaqkhtar.
  4. C/rashiid Maxamed Xidig.