Ahmed Hussen oo Wasiir loo Magacaabay

Canada-RisaalaFM- Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii, Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.