Magaalooyinka Soomaaliland oo maanta laga xusay 18-ka May

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland waxaa maanta laga oogay, munaasabadda 25 Guurada Xuska 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland sheegatay inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa munaasabad lagu qabtay Hargeysa khudbad ka jeediyay, isagoo ku celceliyay in Soomaaliland aysan marnaba ku noqon doonin Soomaaliya inteeda kale.

Siilaanyo ayaa sheegay in Soomaaliland ay iminka gaartay guulo waa weyn oo ilowsiiyey 31-kii sano ee ay ka mid ahayd Soomaaliya.

Munaasabadaha lagu qabtay magaalooyinka Soomaaliland ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ku soo dhamaaday si heer saro ah.

Somaliland ayaa 18-­kii bishii May ee sanadkii 1991­kii ku dhawaaqday inay Somaliya inteeda kale ka go’day, balse illaa iyo haatan ma jiro wax aqoonsi ah oo ay heshay.