London-RisaalaFM- Booliska magaalada London ayaa sheegay in ay baadi-goob ugu jiraan dadkii ka dambeeyay dil toogasha ah oo Bariga London ka dhacay habeenimadii sabtidii aynu soo dhaafnay.
Dhalinyaro hubaysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku toogteen wiil Soomaali ah oo da’diisuna ay tahay 26-jir, ka shaqeynayay baabuurta tagaasida,waxaana dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Leyton ee magaalada London.
Hooyada dhashay wiilkan ayaa waxa ay boliiska magaalada London ka codsatay in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay dilka wiilkeeda loo geystay.
Ilaa iyo hada boliiska magaalada London ayaa waxa ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii ka dambeysay dilka wiilka Soomaaliga ah loo geystay.
Dhalinyarada Soomaaliyeed eek u nool xaafadda Leyton ee magaalada London ayaa aad uga xumaaday dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah.


