Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan lagu waddaa in uu booqdo Mar kale Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.
Qaar ka mid ah Warbaahinta Eritrea ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo in uu dhex dhexaadiyo dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo sanado badan ay dagaallo ka dhaxeeyeen.
Madaxweynaha ayaa tagi doona Saacaddaha soo socda dalka Eritrea, waxaana marka uu kasoo laabto uu soo mari doona dalka Jabuuti, halkaasi uu mar kale kula kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea ayaa sidoo kale maanta xaqiijiyay Booqashadda Madaxweyne Farmaajo ee Asmara, waxaana uu sheegay in ay socdaan qabanqaabadda soo dhaweyntiisa.
The President of the Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Mohamed, will arrive in Asmara later today for a tripartite Summit with President Isaias Afwerki and Prime Minister Abiy Ahmed. pic.twitter.com/6cXaCxkdWy
— Yemane G. Meskel (@hawelti) September 5, 2018
Waxaa sidoo kale lagu waddaa in dhamaadka Bishaan ay yimaadan Muqdisho Madaxweynaha Eritrea iyo Madaxweynaha Jabuuti sidda uu sheegay diblomaasi Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti.
Waxaa socda dadaallo xooggan oo lagu dhexdhexaadinaayo dalalka Jabuuti iyo Eritrea, Maadaama dowladda Itoobiya ay geeska Afrika ka bilowday dabeyl Nabadeed.



