Mustaqbalka Paul Pogba ee Manchester United ayaa ah mid isha lagu hayo waqti dheer, Luis Suarez ayaana ku faraxsanaan lahaa ciyaaryahanka inuu kula soo biiro Barcelona.
Luis Suarez ayaa aaminsan in Barcelona ay diirada saareyso saxiixa Paul Pogba oo aan ku faraxsaneyn nolosha Manchester United, waxaana uu ku adkeysanayaa in xiddiga reer France uu kusoo dhaweyn doono Camp Nou.
Pogba ayaa labo sanno ku qaatay United tan iyo markii uu kusoo laabtay Juventus, iyadoo qaab ciyaareedkiisa aan fiicneyn ay keentay inuu xumaado xiriiirka kala dhaxeeya tababaraha Jose Mourinho.
Ka dib Koobkii Adduunka, wuxuu Pogba u muuqday mid bartilmaameed weyn u ah kooxda heysata La Liga ee Barca.
Dhanka suuqa kala iibsiga Isbaanishka ayaa xirmay iyadoo Pogba uu kusii nagaaday Old Trafford, laakiin Barca waxay heli kartaa bisha Janaayo.
Suarez ayaa qirtay in 25 jirkaan qadka dhexe uu noqon doono mid fiican haddii uu usoo dhaqaaqo Spain.
“Pogba waa qeyb ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican kubada cagta, tayo badan ayuu leeyahay,” ayuu xiddiga heerka caalami ee reer Uruguay u sheegay RAC1.



