Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya,halkaas ay ku sugan yihiin  kumanaan qof oo Soomaaliyeed.

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya lagu wadaa in maanta gaaro xeryahaas oo dhawaan dowladda Kenya ay sheegtay in ay Albaabada isku dhufaynayso.

Jamaal Maxamed Xasan oo ah  Safiirka Dowladda Somaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay Madaxweyne Xasan inuu noqon doono Madaxweynihii ugu horeeyay Taariiqda Soomaaliya ee Dhadhaab booqda.

Madaxweynaha Soomaaliya safarkiisa ayaa ku soo aadaya xili dhawaan dowladda Kenya ay shaacisay in ay xireyso xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.