Owdhiigle iyo Afgooye oo galabta lagu daahfuraayo tartanka degmooyinka idaacadda Risaala

Idaacadda Risaala oo ka mid ah idaacadda ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta  lagu wadaa in ay ku daahfurto tartanka degmooyink ee sanadkaan idaacaddu ay qabanayso  degmooyinka kala ah Owdhiigle iyo Afgooye oo labaduba ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Tartanka ayaa bilaabanaya markay ay saacado tahay 3:45 oo galabnimo ,

Waxaadna  kala soconkartaa mowjada idaacadda oo ah 102.2 FM hadii aad joogto Muqdisho Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose ,hadii aad joogto dunida inteeda kalena waxaad kala socon kartaa Radiorisaala.com ama Risaala.net

Waxaad kaloo Live uga kala socon kartaa aalada Facebooka oo ah facebook.com/risaala.net/