Wafdi hor dhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaweyd gaaray Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo lagu wado in maanta uu gaaro Madaxweynaha Somaliya.
Wafdigaan ayaa kala ah Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Cismaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu gaaro Xeryaha Dhadhaab halkaasi oo uu soo arki doono xaalada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Somaliyed.




