DHAGEYSO: Ciidanka Puntland oo lagu amray in ay ammaanka adkeeyaan

Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin cabdulaahi Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka puntland  ay ka digtoon yihiin  weeraro shabaab ay ka geystaan deegaanada maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka heegan buuxa la galiyey,islamarkaana puntland ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo weeraro ka yimaada Ururka Shabaab.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay sugitaanka amniga deegaanada maamulka puntland,waxa uuna amar ku bixiyey ciidanka ammaanka ay adkeeyaan amniga inta lagu gudajiro bisha  Soonka.