Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madax ka socotay Midowga Yurub (SAWIRRO)

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta March 5, 2018 waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Warbaahinta Midowga Yurub Fulgencio Garrido iyo Safiir ku xigeenka Netherlands ee Soomaaliya Tijmen Rooseboon oo ay weheliyaan xubno ka socday Hay’ada qoxootiga Aduunka ee UNHCR.

Kulankan ayaa qaybtiisa hore lagaga hadlay dardar galinta howlaha Siyaasada Soomaaliya iyo ammaanka iyadoo sidoo kale diirada la saaray sidii Xasiloonida wadanka ee dhinaca Siyaasada loo adkayn lahaa iyo howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah.

Waxaa kale oo Xubnaha kasocday UNHCR Safiirka Netherlands iyo Madaxweynahu si qoto dheer uga wada hadleen howlaha la xiriira qoxootiga iyo dib usoo laabashada muwaadiniinta kasoo noqonaya Xeryaha qoxootiga Dhadhaab.