Shabaab oo baahiyay magaca ninkii fuliyay Ismiidaamintii Afgooye

Muqdisho-RisaalaFM- Xoogaga ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeeda ninkii jimcihii isku qarxiyay Saldhiga ciidanka Imaaraadka ee Degmada Afgooye.

Idaacada Al-Andulus ee Shabaab ayaa laga baahiyay codka ninkaasi dhalinyarada ah ee naftiisa ku haligay Ismiidaamiyihii Saldhiga Degmada Afgooye.

Ninkaan oo 26 sano ah jir ahaa ayaa ka soo jeeda degaanada maamulka Koonfur Galbeed, sida lagu baahiyay warbixinta Shabaab ay ka qoreen ninkaan.

Magaca ninkaan ayeey Shabaab ku sheegeen Aadan Cali Ukumey oo sidoo kale loo yaqaano (Qalinle iyo Baariyow), wuxuuna ka soo jeedaa qabiilka Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele.

Ismiidaamiyihii Saldhiga Degmada Afgooye ayaa ka hor inta uusan naftiisa halaagin wareysi uu bixiyay ku sheegay sababta uu isku qarxinaayo inay tahay sare u qaadista jihaadka.

Aadan Cali Ukumey oo loo yaqaano (Qalinle iyo Baariyow ayaa waalidiintii dhalay wuxuu u diray fariin ah inay ogaadaan inuu isku qarxiyay gaarigaasi uu kaxeynayay.

Al-shabaab ayaa 26-kii iyo 27-kii bishii April soo bandhigay magacyada shaqsiyaadkii kaxeynayay labadii gaaari ee ku qaraxday afaafka hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hotelka Dorbin, kadib weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarumahaasi.