
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho qaadan doonta 72 saacadood ku tagi doona Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, kaddib markii uu casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Booqashadan oo ah mid lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal ayaa madaxdu waxa uu kulan fool ka fool ah la qaadan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo uu kala hadli doono arrimaha khuseeya labada dal.
Booqashada Madaxweynaha Jabuutiuu ku tagayo dalka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco kulan ballaaran oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala socota labada dhinac.
Jabuuti iyo Itoobiya oo ah laba dal oo xiriir walaaltinimo iyo mid taariikhi ah ka dhexeeya, waxaana socdaalkan madaxweyne Geelle uu xoojinayaa xiriirkooda laba geesoodka ah iyadoo laga faa’iidaysan doono.
Wafdiga madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Qalabaynta iyo Madaxweynaha Wakaaladda Dekedaha iyo Goobaha Xorta ah ee Jabuuti & Mas’uuliyiin kale.


