Madaxweynaha Galmudug oo caawa ku hoyanaya deegaanka Budbud

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo saraakiil ciidan ay caawa ku hoyanayaan deegaanka Budbud ee gobolka Mudug.

Deegaanka Jireey iyo deegaano kale oo ku yaala  bariga gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan ALshabab iyo Galmudug, dagaalkaasi oo khasaaro badan geystay.

Madaxweyne Guuleed iyo wafdigiisa ayaa waxa ay u kuurgaleen xaalada deegaanada lagu dagaalamay ee ku yaala bariga gobolka Mudug.

Madaxweyne Galmudug ayaa sidoo kale maalinta bari waxaa la filayaa in booqasho guud uu ku soo maro deegaanadii ay Al-shabaab iyo ciidamada Galmudug ay ku dagaalameen.

Galmudug ayaa shaaciyay in lasoo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay Alshabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug, kaasi oo Galmudug ay sheegtay iney ku dishay 115 Al -shabaab ah ayna sidoo kale ku qabteen maxaabiis gaareysa 110.