Wakiilo ka socda PSG oo imaan doona London si ay udaawadaan Sturridge

Kooxda PSG ayaa si weyn udooneysa weeraryahanka Kooxda Liverpool Daniel Sturridge iyadoo wakiilo ka socda kooxdaas ay daawan doonaan kulanka England ay la ciyaari doonto Holland habeen danbe.

Weeraryahanka Liverpool ayaa kusoo bilaaban doona shaxda macalin Roy Hodgson ee wajahaya Holland, isagoo mudo kadib matali doona xulkiisa.

Sturridge, ayaa bartilmaameed u ah kooxda PSG si uu badal ugu noqdo Zlatan Ibrahimovic oo kusoo jeeda England, halka sidoo kale Cavani lala xariirinayo inuu ka tagayo kooxdaas.

Saxaafada Ingiriiska ayaa ogaaneysa in PSG ay ciyaaryahankan ku dooneyso lacag dhan £45million, qiimahaas ayaana la ogaanayaa inuu yahay midka ay dooneyso kooxda Liverpool.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa isha ku haya inuu lasoo saxiixdo gooldhaliye kale taas oo ka dhigan in 26 jirkaan uu iska iibiyo.

Ciyaaryahankan ayaa  39 gool dhaliyay kadib  49 kulan oo uu horyaalka kusoo bilowday, waxaase inta badan waayihiisa Liverpool qaatay dhaawacyo uu sanad la maqnaa.