Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka la filayo inay Soomaaliland ka qabsoomaan sanadka dambe oo ka socday gobolada qaarkood ayaa maanta la isla qaatay in loo hakiyo si ku meel gaar ah, abaaraha taagan dartood.
Go’aankan oo ay isku raaceen guddida doorashooyinka, Xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadda, ayaa waxa ku gacan-sayray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ee Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa warbaahinta uga warbixiyay kulanka ka dib waxyaabaha lagu go’aamiyay.
Saddex ka mid gobolada Soomaaliland ayaa waxaa laga hakiyay dadka iyadoo ay harsaneyd gobolo kooban, waxaana xisbiyada qaar ay u arkeen in xukuumadda ay ka damacsantahay qorshe siyaasadeed.


