DHAGAYSO: Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo tababar loo furay ”Sawiro”

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa tababar loogu furay dugsiga tababarka booliska Jubbaland oo ku yaalla galbeedka magaalada Kismaayo.

Waxaana ciidamada maanta tababarka loo furay ay gaarayaan ilaa iyo 200 oo Askari oo ka mid ahaan doono booliska Jubbaland.

Waxaana Munaasabadaan Tababarka loogu furayay ciidanka booliska ka soo qayb galay, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish, Taliyaha ciidamada booliska Gaboobe Xasan Bare, Afhayeenka ciidamada booliska Jaamac Ciro, Madaxa hogaanka tabarka ciidamada booliska dowladda Soomaaliya Sheekh Xasan Calasow, Taliyaha ciidamada booliska AMISOM Anan Beli, Taliyaha ciidamada booliska UNSOM Sabas Bahara.

Taliyaha Booliska UNSOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM oo goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tabarkaan loo furay ciidanka waxayna dardaaran u jediyeen ciidanka tabarka loo furay in ay wajibaadkooda gutaan.

Gaba gabadiina Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland Maxamed Warsame Faarax Darwiish oo soo xiray Munaasabada ayaa sheegay in ay tahay mid wax badan ka badalaysa tayada ciidamada booliska Jubbaland.

1 2 3 4 5 6 1