Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Cali Xaaji oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Wasiirka ayaa digniin u diray maamulka Soomaaliland oo uu sheegay in ay ciidamado aad u fara badan ay soo dhoobeen deegaano hoos yimaada maamulka Khaatumo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Khaatumo Axmed Cali Xaaji ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu qeyb qaato sugida amaanka deegaanada Maamulka Khaatumo.
Maalmihii la soo dhaafay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer,waxaa ka jiray xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa maamulada Puntland,Khaatumo iyo Soomaliland.


