DHAGEYSO: Maamulka Galmudug oo sheegay in maleeshiyaadkii laga qaaday isbaarada lagu biirin doono ciidamada

Madaxweynaha maamulka  Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa  sheegay in maleeshiyaadkii laga qaaday isbaarada lagu biirin doono ciidamada  maamulka Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhaqan celin lasoo sameeyo maleeshiyaadkii isbaaradu u taalay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug.

Cabdikariin ayaa sheegay tilaabada koowaad oo ay qaadi doonaan in ay tahay tababarida iyo dhaqan celinta maleeshiyaadkii isbaarada dhigan jiray,islamarkaana ay ku dari doonaan ciidamada maamulka Galmudug.

Maalmo ka hor ayaa maamulka galmududg waxay bilaabeen howlgal balaaran oo lagu qaadayo isbaarooyinka yaal deegaanada maamulka galmudug,waxaana dagaal khasaare geystay uu dhexmaray maamulka galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan .