Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay sidaa ay noqon karto dowladda la filaayo in dalka ay ka dhalado bisha September ee sanadkan 2016-ka.
Faraax sheikh Cabdul qaadir ayaa sheegay in raajo wanasgan ay ka qabo sanadkan doorashooyinka dalka ay ka dhacaan, asaga oo amaanay dowladda hada jirta iyo waxqabadkeedii.
Xildhibanka ayaa inta badan la sheegaa in saaxiib dhow ay yihin madaxweyne xasan sheekh Maxamuud ,waxaana uu kamid yahay xubnaha ugu firfircoon dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
Faarax sheikh cabdulqaadir ayaa nasiib daro ku tilmaamay in sanadkaan baarlamaanka lagu soo xulo habka beelaha ee 4.5.


