Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa ka hadlay dil xalay magalaada gaalkacyo loogu geystay nin ka mid ahaa ganacsatada magaalada gaalkacyo .
Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiis ay baaritaano ku hayaan kooxihii ka dambeyey dil xalay magaalada gaalkacyo loogu geystay Eng Cumar Dheere oo ka mid ahaa maamulayaasha shirkada SOMTEL.
Alle ha u naxariistee Eng. Cumar dheere waxaa uu isku hayey masuuliyado kala duwan waxaana ka mid ahaa, Guddoomiyaha Guddiga ganacsatada ee gobolka mudug, Guddoomiyaha guddiga dhismaha wadada wadaagsin, guddoomiye ku xigeenka guddiga sanduukha horumarinta gobolka Mudug, iyo xubin ka mid ah masuuliyiinta shirkadda isgaarsiinta Somtel ee gobolka mudug.
Eng Cumar Dheerre ayaa ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug,waxaana lagu xasuustaa in uu ka qeyb qaatay nabadeedna gobolka Mudug.


