Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galaya caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Dalka Jabuuti ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto caleema saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda,waxaana halkaas gaaray madax badan oo kasocota dalka kuyaal geeska Afrika iyo sidoo kale dowladdaha Caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Jabuuti .


